Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo aay wehliyaan Xildhibaanno iyo siyaasiin ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga taliyaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Ciidamada Difaaca Deegaanka Cali Jeyte Cismaan Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.

Advertisement

Maamulka demada Maxaas masuuliin kala duwan saraakiil ciidan ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay degmada Maxaas.

Masuuliyiintan ayaa degmada Maxaas u soo gaaray dhameestirka shirweynaha mid kamid ah beelaha degan gobolka Hiiran oo ka socdey degmada Maxaas, isla markaana uu go-gosha shirka uu dhigay Taliyaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here