Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar  (daba-geyd) iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Hiiraan.

Masuuliyiintaan ayaa u tagay  furimaha dagaalka dardargelinta dagaalka iyo dhiiri-gelinta ciidamada dagaalka kula jira kooxda Alshabaab.

Advertisement

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka maaha markii ugu horeysay uu booqdo furimaha balse wuxuu ahaa masuulkaan dagaalkaan danbe soo abaabulay xiligaas ilaa haatana wuxuu u taagnaa dhiiri gelinta ciidamda.

Dhanka kale ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa deegaanka ee reer Hiiraan tan iyo markey weerarada ku qaadeen alsabaab laba bil ka hor waxay qabsadeen dhul balaaran oo kooxda Alshabaab ay ku sugnaayeen walina way ku wadaan rasaasta,waxayna wacad ku mareen ilaa Hiiraan oo dhan ay ka saaraan ay wadi doonaan.

XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 4 peopleMay be an image of 8 people and fluteMay be an image of 7 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 6 people

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here