BALADWE6NE.COM)-Magaalada Baladweyne waxaa maalmahaan ku sugan Taliyaha Nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sambaloolshe iyo Cali Jeyte oo ah u qeybsanaha Madaxwrmeyne Xasan ee dhanka ciidamada Macawisleyda.

Labadaan masuul ayaa waxaa la sheegay inay ku howlan yihiin xalinta khilaafka ka dhex jira Hirshabelle gaar ahaana labada Gobol ee Maamulku ka kooban yahay Hiiraaan iyo Sh.dhexe.

Advertisement

Tusaale ahaan Gobolka Hiiraan maamulada Hirshabelle ka dhistay waxaa jira kuwa ka soo horjeeda oo diidanba jiritaanka Hirshabelle iyagoo la baxay magacyo kale sida Hiiraan State.

Warar ku dhaw dhaw Sambaloolshe iyo Cali Jeyte ayaa sheeyaya inay wadaan kulamo ay ku xalinayaan khilaafka ka dhex jira Maamulka Hirshabelle.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya rajada laga qabo in khilaafkaasi ay xalin karaan Sambaloolshe iyo Cali Jeyte iyadoo wararka qaar ka deyrinayaan inay xal rasmi ah ka gaari karaan.l,xili waliba Madaxweyne xigeenka Hirshalle Yusuf Daba-geed uu ku sugan yahay  Magaalada Baladweyne.

Warar kale ayaa rajo fiican ka muujinaya in xal la gaari karo  iyagoo daliishanaya madaama Sambaloolshe oo Xawaadle u dhashay loo magacaabay Taliyaha Nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka madaama awalba waxay tirsanayeen ay ahayd in laga badsaday awood qeybsiga Dowladeed.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here