Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva Ambassador Khadra Ducaale ayaa halkaas kulan kula qaadatay dhiggeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Ambassador Abdulmohsen M.Binkhothaila.
Ambassador Khadra Ducaale iyo dhiggeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka hadlay adkeynta xiriirka qotoda dheer ee walaalnimo ee labada dal, iyagoo sidoo kale soo hadal qaaday xaaladda gobolka iyo hanaanka ugu wanaagsan adkeynta xiriirka iyo in si dhow uwada shaqeeyaan labada xafiis.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva Ambassador Khadra Ducaale ayaa sidoo kale kulan la qaatay Safiirka Kuwait ee halkaasi Ambassador Nasser A. Al-Hayan kuwaas ka hadlay iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dal.May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here