Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Kenya ee Qeybta Adeegga Guud, ee loo yaqaano GSU, Taliye Ranson Lolmodooni ayaa Xarunta GSU ee magaaladda Nairobi ku soo dhaweeyay Danjiraha Safaaraadda Soomaaliya ee dalka Kenya, mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle.
Danjiraha oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey xarunta GSU ayaa kulan gaara la qaatay taliye Ranson Lolmodooni. Kulanka ayaa looga hadlay doorka muhiimka ah ee Qeybta Adeegga Guud ay ka qaataan taageerada joogtada ah oo ay siiyaan Safaaradda Soomaaliya iyo shaqaalaheeda.
Sidoo kale Kulankaan waxaa diiradda lagu saaray hannaankii loo kobicn lahaa wada shaqeeynta labada dhinac.
Advertisement