Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Amb. Dahir Hassan Carab iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, halkaas oo jaaliyadda Soomaaliyeed si heer sare ah ugu soo dhaweeyeen.
Danjiraha ayaa la filayaa inuu kulammo gaar ah la qaato jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, isagoo diiradda saari doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka iyo Dowladda Soomaaliya.
Advertisement
Kulamadan ayaa noqon doona fursad uu Danjiruhu jaaliyadda kala hadlo arrimo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta bulshada iyo daryeelka jaaliyadda, isagoo sidoo kale u sheegi doona dadaalka safaaradda ee ku wajahan kobcinta danaha Soomaaliyeed ee Mareykanka.
Advertisement