Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Cumaan, Danjire Bashiir Xasan Xaaji ayaa gaaray magaalada Caasimadda ah ee Muscat , iyadoo garoonka diyaaradaha uu ku soo dhaweeyay Agaasimaha hab-maamuuska Wasaaradda arrimaha dibedda ee Cumaan iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya.

Danjire Bashiir Xasan Xaaji ayaa sheegay in uu hormarin doono Xariirka iyo Iskaashiga Taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Cumaan, wuxuu intaa ku daray inuu dardargelin doono sidii sare loogu qaadi lahaa hormarka dhaqaalaha iyo Ganacsiga labada dal.
May be an image of 6 people and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here