Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta booqasho ugu tagtay Safiirka u jooga Uganda Dowladda aan dariska nahay ee Kenya Amb. Joash Maangi.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda dalalka Bariga Afrika guud ahaan iyo xariirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo labada safiir isku raaceen in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin labo dal oo walaalo ah oo wax yaabo badan ka dhaxeeyaan.

Amb. Joash Maangi ayaa sheegay in diyaar u yahay in uu la shaqeeyo safiiradda Soomaaliya ee Uganda xariir dhawna yeeshaan labada safaaradood.
Dhankeeda Danjire Fardowsa ayaa ka mahadcelisay sida wanaagsan ee uu Safiirka Kenya ee Uganda usoo dhaweeyay, kana shaqeeyn doonto in ay xariir dhaw yeeshaan labada safaaradood.May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here