ALKOWTHAR (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa booqday qaar ka mid ah deegaanadii dhawaan ay ku dagaalameen ciidamada Dowlada Somalia,Daraawiishta,iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo kooxda Alshabaab.
Cali Guudlaawe ayaa ciidamada iyo saraakiisha hogaamineysay dagaalka wuxuu ugu tagay dhiiri gelin kuwaasoo si adag isaga difaacay weerarkii Alshabaab iyadoo shalay galab la soo ajaray weeraradaasi kadib markii Dowladu dib ula wareegtay deegaanka Ceelbaraf oo u danbeysay meelihii Alshabaabku dib looga soo celiyay.
Madaxweyne Cali Guud-laawe oo uu la socday Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe waxay sidoo kale la kulmeen
saraakiisha ciidamada kala duwan iyagoona si gaar ah ugala hadlay sidii looga hor tagi lahaa inay mar kale soo noqoto weerarada gaadmada ah ee Alshabaab ka imaanaya.
Dhanka kale Cali Guud-laawe wuxuu watay buug iyo qalin xiliguu saraakiisha la kulmayay taasoo loo macneyn karo inuu diiwaan gelinayo saraakiisha iyo ciidamada dagaalka sida daacada u galay kuwaasoo mudan in Dowlada iyo maamulkiisuba dalacsiiyaan.
Si gaar ah wiilashii ka dagaalamay deegaanka ceel-Cali Axmed waxay inta badan shacabku u qireen inay mudan yihiin dalacsiin marka la eego hadal heynta baraha bulshada madaama ay geesino xad dhaaf ah sameeyeen,
Booqashada madaxweynaha Hirshabelle waxay ku soo aadeysaa xili shalay galab ay ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ay soo afjareen weeraradi kooxda Alshabaab ay ku qabsadeen ilaa dhor tuulo iyo degmada Al-kowthar.
XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM








DAYNIILE.COM
Advertisement