Daru-salaam, January 29, 2025 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo ay wehliyaan Safiirka JFS ee Dalka Tanzania Danjire Ilyaas Cali Xasan iyo ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, ayaa booqasho ku tagay dhismaha safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Daarusalaam oo dayactir xooggan uu ku socdo.
Danjire Ilayaas ayaa Wasiir Fiqi warbixin ka siiyey baaxadda dayactirka safaaradda, qeybaha cusub ee uu ku soo kordhinayo, naqshadda iyo sida uu u rabo in la helo meel wanaagsan oo loogu adeego bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.
Wasiirka Arrimaha Dibadda XSF Axmed Macallin Fiqi ayaa ku bogaadiyay Safiir Ilyaas hal abuurka iyo tallaabada weyn ee uu qaaday si loo helo Safaarad leh muuqaal iyo bilic wanaagsan, tilaabooyinkaan ayuu ku sheegay Wasiirku inay horseedi karaan in maqaam iyo maamuus Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku dhexyeelato Safaaradaha kale ee dalkaas uga furan caalamka.
Ugu dembayntii Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa ugu baaqay Ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan Tanzania inay gacan ka geystaan dhismaha safaaradda oo ah goob loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed, loogana shaqeeyo adkaynta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Tanzania.
Advertisement