MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Af-hayeen u hadlay Safaarada Shiinaha ee Somalia  ayaa ka hadlay wafdi maamulka Somaliland u direen Taiwan si ay uga qeybgalaan xafladda caleemo saarka hoggaamiyahooda dhawaan la doortay.

Inkastoo xafladu hore u dhacday balse afhayeenka Safaarada shiinaha ayaa hada ka jawaabay wuxuun sheegay Somaliland uu yahay Maamul hoos taga Dowlada Somalia.

Advertisement

“anaga Somaliand uma aqoonsanin dowlad balse waxaan aaminsahay xaqiiqada saxda ah ee jirta oo ah somaliland uu ka mid yahay Somalia”ayuu yiri Afhayeenka Safaarada Shiinaha

Afhayeenka wuxuu xusay in dunida inta badan la socdaan mabda’a Shiinaha ee ka dhanka ah gooni isku taagga Taiwan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here