Dowladda Sacuudiga ayaa dil toogasho ah ku fulisay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu helay dambi ah inuu dalka Sacuudiga galiyay daroogo sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas.
Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Maxamed Nuur Xuseen Jacal ayaa la xiray isagoo doonayay inuu xashiish geliyo dalka Sacuudiga. Maxkamad gaar ah ayaa ku heshay danbigaan waxaana ay ku xukuntay dil toogasho ah.
Maxkamadda sare ee dalkaas ayaa ogolaatay in la toogto, kaas oo ugu dambayn Axadii lagu fuliyay xukunkiisa magaalada Najran ee koonfurta Sacuudiga.
Maxamed Nuur Xuseen ayaa qoorta laga gooyay iyadoo la raacayo hab-dhaqanka dilka ah ee Sacuudi Carabiya. Qoyskiisa, ayaa ku eedeeyay madaxda Sacuudiga inay fuliyeen xukun caddaalad darro ah, iyagoo ku andacoonaya in wiilkooda uusan helin xukun caddaalad ah. Qoyskan ayaa sidoo kale ku andacoonaya in Xuseen loo diiday nidaamka cadaaladda iyo inuu helo qareen u dooda.
Sacuudi Carabiya waxay dhaqangelisay mid ka mid ah nidaamyada sharciga ugu adag adduunka, iyadoo ciqaab dil ah lagu fuliyo inta badan dambiyada la xiriira daroogada, dilka, iyo eedeymaha argagixisada.
Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in xukunnada dilka ah ay xoojinayaan mowqifka dowladda ee mamnuucista ka ganacsiga daroogada iyo dambiyada rabshadaha wata, iyadoo carrabka ku adkeysay in cawaaqib sharci oo adag ay sugayaan dembiilayaasha.
Ugu yaraan 50 qof oo Soomaali ah ay hadda sugaya xukun dil ah, kuwaas oo galay badi dambiyo la xiriira daroogada. Qaar badan oo iyaga ka mid ah, ayaa sheegay in lagu qasbay inay tahriibiyaan walxaha sharci darrada ah, si ay helaan shaqo abuur.
Dowladda Soomaaliya iyo Ergooyinkeeda Diblomaasiyadeed ayaa ka codsaday Sacuudiga in cafis loo fidiyo maxaabiistan. Qunsuliyadda Soomaaliya ee Jeddah ayaa sheegtay in ay wadahadalo toos ah la gashay mas’uuliyiinta Sucuudiga, iyagoo doonaya in xukunnada dilka ah laga dhigo xabsi dheer.
Qoysaska dadka dilka lagu xukumay ayaa sidoo kale ku baaqay in faragelin xooggan ay dowladda ku sameyso xukunkooda si looga hortago in xukunkooda lagu fuliyo.