BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni oo maanta khudbad ka jeedinayay tababar ciidamo loogu soo xiraayay Magaalada Boosaaso ayaa fariin kulul oo hanjabaad u muuqata wuxuu hawada u mariyay Madaxda maamulka SSC Khaatumo.
Saciid Dani ayaa fariintiisa ugu horeyn ku muujiyay inuusan aqoonsanayn Maamulkaasi oo dhawaan Dowladu maamul ahaan u aqoonsatay madaama intii fariinta waday marna uusan afkiisa ku soo qaban maamulka balse kaliya ku isticmaalayay magaca oo kaliya.
Saciid Dani wuxuu fariintiisa ku soo hadal qaaday taariikhdii reer SSC Khaatumo ay ka guuleysteen maamulka Somaliland oo ay noqdeen nidaam ka madax banaan taasoo ahayd 6-Febrayo 2023.
“waxaan halkaan fariin uga farahayaa SSC Khaatumo 6 Febrayo 2023 iyo goojacade kadib inay gogol u dhigayan dadkii dagaalkaasi ka wada qeybqaatay laakiin mase dhicin laakiin ku dhaliili meyno waa qalad dhacay,laba mid baa laga abaa hadalkoodii ahaa waa wada tahsaneynaa iyo inay cadeeyaan waa wada tashanay ee idinkana tashada”ayuu yiri Saciid Dani
Wuxuu intaasi ku daray isagoo sii wata ereyadiisa hanjabaada u eg inay Puntland ahaan diyaar u yihiin labada dhinac ee ah in la wada tashto ama inay iyagu gaar u tashtaan.
“labadaas mid bay noqon doontaa aan wada tashano diyaar baan u nahay tashadana diyaar baan u nahay”ayuu mar kale yiri
Sidoo kale Saciid Dani wuxuu si dad ban ugu faanay inay Laas-caanood wax fiican ka gaysteen.
“gidaarada in laga hadlo waxba macno sameyn meyso,qof walba wuxuu ka geystay laas-caanood ubadka yar yar baa og”ayuu yiri mar kale Saciid Dani
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM