GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa caawa shaaciyay inay diyaar u yihiin wada-hadal ay la galaan Dowlada Faderaalka Soomaaliya oo la ogyahay inuu khilaaf kala dhaxeeyo islamarkaana uusan wax wada shaqeyn ah la laheyn.
Saciid Dani wuxuu Caawa hadalkaani ka sheegay Munaasabad casho sharaf uu u sameeyay ka qeyb galayaasha Shir Sanadeedka Nabadda ee PDRC.
Saciid Dani wuxuu intaasi ku daray inay doonayaan in loo kala gar-qaado iyaga Dowlada oo markaasna ay diyaar u yihiin inay gar baxaan hadii iyaga dhankooda lagu cadeeyo inay qaladka leeyihiin.
ku dhawaaqay inay in Puntland ay diyaar u tahay wada hadal, ayna “waxaan qabnaa dood adag, waxaa rabnaa waxaan isku heyno lagu falaqeeyo meel fagaare ah garsoorayaalna ay ka noqdaan dadka Soomaaliyeed, haddii Puntland khaldan tahay waxaan rabnaa in nalaga qanciyo, haddii ay saxan tahayna laga garaabo mowqifkeeda”ayuu yiri Madaxweyne Saciid Dani
DAYNIILE.COM