Garoowe: 22 May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa hadda kaga qeyb gelaya Qasriga Madaxtooyada xiritaanka Shirka Jiheynta Xukuumadda Puntland oo socday Shan maalmood.
Shirkaan ayaa intiisa badan looga hadlaayay jiheynta shaqada xukuumada Maamulka Puntland sanooyinka soo soccda.
Dhanka kale Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ka qeyb galay munaasibadda xiritaanka arday tababarro ka qaatay Hay’ada Global Health Alliance oo fadhigeedu yahay gobolka Minnesota ee USA.
Munaasabadda ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyey 64 Arday oo ka kala yimi gobolada Soomaaliya iyaga oo dhamaystay tababaro Caafimaad.
Advertisement
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa masuuliyiinta Hay’adda ku amaanay shaqada wanaagsan ee ay qabteen, isaga oo ku dhiiri geliyey inay sii wadaan tababarada si ay uga faa’iidaystaan bahda Caafimaadku.
Munaasabada waxa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Madaxda Hay’adda iyo marti sharaf kale.
Advertisement