Garoowe: 20 July 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 15 ee 20-ka Luulyo 2024, kuna saabsan magacaabid Wakiilka Arrimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Advertisement

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Dr. Carshe Maxamed Siciid loo magacaabay Wakiilka Arrimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here