Garoowe: 21 September 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC).
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey Shirka iyo dadaalka Hay’adda PDRC ee ku aadan Nabadda iyo isu keenista dadka Soomaaliyeed ee waxgalka ah ee isugu yimi Shirka, isagoo la wadaagay in fursadan looga dhex doodo xal u helista xaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, in la illaaliyo wixii heshiiska lagu wada yahay, masuuliyadna la isi saaro oo dadka laga wada qeybgeliyo wixii xal u raadinta dalka ah oo aan la isku koobin.

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, isla markaana lagu soo aadiyey maalinta nabadda Adduunka, waxaa sanadka looga doodaya doorka Warbaahinta ee Nabadda.

Waxaa Shirka ka qeybgalay, Guddoomiye Ku-xigeenka Urur Goboleedka IGAD Ahna Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Goleyaasha Dowladda Puntland, Safaarada Sweden ee Soomaaliya, Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Hay’adda USAID, Qoreyaal Soomaaliyeed iyo wakiilo u dhaqdhaqaaqa Nabadda oo isaga kala yimi Dal iyo Dibad, Ururada Bulshada Puntland, Dhaqanka, Haweenka, dhallinyarada, Warbaahinta Puntland iyo weriyayaal iyana laga casumay Gobollada kale ee dalka iyo dibadda iyo marti sharaf kale.

– DHAMMAAD-
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 13 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 14 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, smiling and glassesMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais, newsroom and textMay be an image of 12 people, dais and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people, beard and people smiling
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here