Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kal-fadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada maamulkiisa ayaa soo hadal qaaday arimaha shidaal baarista ay bilowday Dowlada Faderaalka Somalia iyo qariidad muran dhalisay oo shalay ay soo bandhigtay wasaarada Batroolka Somalia inkastoo raali gelin ay bixisay wasaaradu ayna sheegtay inuu ahaa qariidad hore oo si qaldan lagu keenay goobta.
Hadaba qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Puntland loogana hadlay arimahaan ayaa sidan u qornaa:
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka dhiidhiyey in Dowladda Federaalka ah ay faafisay khariidad (MAP) , Gobollada Sool, Mudug iyo Sanaag lagu sheegayo dhul lagu muransanyahay, taasi oo ah mid bulshada la’isaga horkeenayo dadkana loogu sheegayo wax aan jirin .
Dowladda Puntland waxay soo bandhigtay in dhowr jeer ay ku baaqday wadahadal fagaare oo dhexmara Puntland iyo Dowladda Federaalka ah, waxaana maanta uu markale ku dhawaaqay Madaxweyne Deni in iyadoo labo jeer uu wadahadalka diiday Madaxweynaha Soomaaliya, hadana in ay Puntland marwalbo dhinaceeda diyaar u tahay in si dhab ah loo wadahadlo.
Kheyraadka dalka :
Madaxweynaha ayaa Golaha Wakiillada la wadaagay in kheyraadka dalka ay fiicantahay in lasoo saaro, Puntland-na ay hore uga sameysay sahmin Shidaal deegaanka Dharoor, ayna Dowladda Puntland iyadu masuul ka tahay soo saarista kheyraadka dhulkeeda. Arrimaha Shidaal qodista ee socota hadda wuxuu xusay in ay muhim tahay in ku qotomaan Dastuur iyo Sharci.
Advertisement
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, Xubnaha Golaha Wakiillada Puntland, Xildhibaanada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Gorsoorka Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka ee Puntland, Duqa Caasimada Garoowe , Isimada, Culimada , Ururada Bulshada, Haweenka iyo Marti sharaf kale oo ay ka mid tahay Fanaanada Soomaaliyeed Hibo Nuura
– DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Advertisement