MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowlada Mareykanka ay ka dambeysay in maanta xilka wasaarada Difaaca laga qaado Wasiirkii hore C/qaadir Maxamed Nuur oo dadka qaar u yaqaaniin magacyo kala duwan sida wasiir Jaamac,Wasiir Tiktok iyo magacyo kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisulwasaare Xamza oo mudo diidanaa soo jeedinta Mareykanka ee xilka ka qaadista wasiirkii Difaaca ayaa ugu dambeyn maanta ogolaaday cadaadiskii Mareykanka kaga imaanayay waxaana loo badaladay wasaarada Dekadaha iyo gaadiidka.
Ujeedka Mareykanku u rabeen in xilka laga qaado Wasiirkii Difaaca ayaa lagu sheegay wada shaqeyn la’aan kala dhaxeysay wasiir C/qaadir sida ay sheegteen dhankooda.
Dhanka kale warar hoose oo ku dhaw dhaw Mareykanka ayaa sheegaya in muddooyinkii u dambeeyay Mareykanka ka caga jiidayeen howlaha taakuleynta ciidanka ee dhanka la dagaalanka alshabaab iyo daacish sababo la xiriira arimahaani.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement