Saabir & Samiiro- Yaa kala irdheeyey? (Qiso Murugo Badan)ðŸ˜ðŸ˜
Samiiro iyo Saabir waa laba qof oo is jeclaa si dhab ah, jacaylkooda wuxuu ka bilowday xilli ay isku fasal ahaayeen, dugsiga sare. Saabir wuxuu ahaa wiil deggan, hadal yar oo karti badan, halka Samiiro ay ahayd gabar edeb leh oo indhaha dadka si dabiici ah u soo jiidatay.
Muddo dheer ayay xiriirkooda qarinaayeen, iyagoo ka cabsanaya in waalidiinta ama bulshada ay ka dhax noolyihiin ka hor yimaadaan. Laakiin jacaylku markuu dhaboobo, waa mid aan la qarin kari. Waalidkii Samiiro ayaa ugu dambeyntii ogaaday, waxayna si adag uga hor yimaadeen xiriirkaas, iyagoo leh: “Nin aan reer iyo magac toona lahayn lama guursado.”
Samiiro waxay ku dhex dhacday cadaadis — jacaylkeedii iyo qoyskeedii. Saabir wuu u sabray, wuu sugayay, wuxuuna u sheegay inuu diyaar u yahay inuu sugo inta ay wax is bedelayaan.
Laakiin maalin uun ayay Samiiro u dirtay fariin kooban:
> “Waan ka xumahay Saabir. Qoyskeyga ma dhaafi karo. Waa in aan ka tagaa. Ilaahay baan kuu barayaa.”
Saabir wuu murugooday, qalbigane waa uu ka jabay. Ma garanayn waxa uu khalday. Wuxuu is weydiiyay: “Ma jacaylka aan bixiyay baa yaraa? Mise Samiiro ayaa iga tanaasushay?”
Laakiin runta, waxay ahayd Samiiro in aysan awoodin dagaalka nolosha, dagaalka u dhexeeya jacaylkeyda iyo waalidka inkastoo Jacaylka uusan guuleysan mar walba, gaar ahaan marka uu la kulmo cadaadiska dhaqan iyo qoys.
Su’aasha isweydiin mudan waxay tahay: Yaa kala irdheeyey lamaanahaan?
W/Q: Mohamed Abdullahi Mohamed (Cukaash)
Email :- Mcnmokaash21@gmail.com