Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 1aad ee Dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Waddanka ay ka dhici karto Doorasho Qof iyo Cod ah, fursadda ugu weyn ayuu tilmaamay in ay heystaan dhallinyarada oo intooda badan wax u bartay Dalkooda Hooyo.
Saalax Axmed Jaamac ayaa meesha ka saaray jiritaanka caqabad keeni karta in laga baaqsado Doorasho Dadweyne dibna loogu laabto mid dadban oo lagu soo dhisay Dowladihii is xig-xigay ee Jamhuuriyadda saddexaad Soomaaliya.
Dadka ugu badan ee Bulshada Soomaaliyeed oo ah Dhallinyaro ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeen Saalax Axmed Jaamac shaaciyay in ay da’doodu u dhaxeyso 18 sano ilaa dhowr iyo soddon sano oo intooda badan wax bartay nalana jaanqaadaya dunida horumartay sida uu hadalka u dhigay.
“Qaranka Soomaaliya axaa ku dhowaad 16 Milyan oo muwaadin & dhowr Milyan oo Dibadda naga jirta, 75% waxa ay u badan yihiin dhallinyaro u dhaxeysa 18 sano ilaa dhowr iyo 30 sano, Halkaas waxaa kaaga muuqda in ay rajo fiican ka leeyihiin inay Dalka la wareegaan, waa kuwa la jaanqaadaya oo xogta Adduunka gacanta ku heysa, Sidee ayay ku aqbali karaan in Dalkani aanay doorasho diyaar u ahayn” RW ku xigeenka 1aad ee XFS Saalax Axmed Jaamac.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka shaqeyneyso sidii Dalka ay uga dhici lahayd Doorasho Dadweyne Shacabka dib loogu celiyo awoodda codeynta, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka ayaa shalay ku dhawaaqay jadwalka qaybta hore