KHARKIV (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Ruushka ayaa la soo sheegayaa inay gantaalo ama Bam-booyin nuuca la hago ah ku dhufteen guri ku yaal magaalada labaad ee ugu weyn Dalka Ukraine ee Kharkiv.

Guriga oo sida wararka qaar sheegayaan ahaa mid dad shacaba ay degan yihiin ayaa waxaa ku dhintay 3 qof halka 52 kalana ay ku dhaawacmeen.

Advertisement

Magaaladaan kharkiv waxaaa ku nool 1.3 Milyan oo dad ah waxayna u dhawdahay xuduuda Ruushka uu la leeyahay Ukraine waxayna u jirtaa kaliya 30 KM  , gantaalada gurigaan ku dhacay waxaa ka hadlay Madaxweynaha Ukraine.

madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ayaa u qeyla dhaansaday saaxiibadiisa reer galbeedka isagoona Ruushka ku tilmaamay argagaxiso.

“saaxiibadeena waxaan leeyahay na siiya hub aan uga hortagno argagaxisada ruushka waana laga hor tagi karaa waa inaad go’aan adag qaadataan”ayuu yiri  Volodymyr Zelenskiy.

Sawirro laga soo qaaday guriga la duqeeyay ayaa muujiyay bur bur xooggan oo soo gaaray dhismahaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here