MOSCOW (DAYNIILE.COM)-Dowlada Ruushka ayaa 14 sano oo xarig ah ku xukuntay saynisyahan caan ah oo farsameeya gantaalaha hypersonic.
Anatoly Maslov oo ka mid ah saynisyahanada caanka ah oo Ruushka u dhashay ayaa lagu eedeeyay khiyaano qaran sannadihii u dambeeyay.
Fiisigiste Ruush ah Anatoly Maslov ayaa lagu helay qiyaano qaran, sida laga soo xigtay adeegga saxaafadda ee maxkamadaha magaalada Saint Petersburg.
Talaadadii maanta waxaa lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah, Maslov, oo 77 jir ah, oo ka mudaaharaadaya inuusan wax dambi ah lahayn, ayaa ka mid ah saynisyahanno caan ah oo Ruush ah oo lagu eedeeyay khiyaano qaran sannadihii u dambeeyay.
Maslov ayaa lagu eedeeyay inuu la wadaagay Dalka Jarmalka xogta sirta sare ee la xiriirta barnaamijka gantaalaha hawada sare ee Ruushka.
Alexander Shiplyuk iyo Valery Zvegintsev, oo ah laba saynisyahano kale oo ka socda isla machad Siberian, dhamaantoodna ku takhasusay hypersonics ayaa hore loo xiray iyo 2022 iyagoo lagu eedeeyay khiyaano qaran.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa marar badan sheegay in Ruushka uu yahay hormuudka caalamiga ah ee dhanka hubka.
Qareen Yevgeny Smirnov oo ka tirsan Pervy Otdel Waaxda Koowaad oo ah urur ku takhasusay difaaca dadka kiisaska khiyaanada iyo basaasnimada, ayaa sheegay in eedeymaha lagu soo oogay saddexda saynisyahan ay isku mid ahaayeen faafinta macluumaadka loo arko sirta dawladda marka ay ka qayb galayaan shir caalami ah ama cilmi baaris.
“Xukun kasta oo ka dhan ah Maslov waa xadgudub weyn oo sharciga,” ayuu Qareenku u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
“Waan hubaa in Maslov uusan dambiile ahayn falalka lagu soo eedeeyay oo uu dhibane u yahay siyaasadaha mas’uuliyiinta Ruushka.” ayuu mar kale yiri qareenka oo difaacayay saynisyahanka maanta la xirey.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM