Rooble oo wali aan cadeyn inuu musharax yahay oo ol-olihiisa ka bilaabay Muqdisho+SAWIRRO

May be an image of 12 people and daisMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay ol-ole u muuqda mid siyaasadeed madama la hadal hayo inuu sanadkaan u diyaarsan yahay inuu u tartamo xilka ugu sareeya ee dalka .

Maxamed Xuseen Rooble wuxuu caawa kulan afur iyo is-xog-wareysi ku martiqaaday agaasimayaasha warbaahinta madaxa banaan iyo rug cadaa saxaafadeed kuwaasoo ay ajiibay martiqaadka.

Kulanka oo dhacay afurka kadib ayaa looga halday xaalada guud ee dalka iyo doorka Warbaahinta ee dhanka wacyigelinta bulshada.
Sidoo kale waxaa looga sheekeystay kulanka doorka saxafiyiinta ee ka qeybqaadashadooda  dhanka nabadda, dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska iyo  waliba sidii Warbaahintu xoogga u saari lahaayeen warar ka turjumaya xaqiiqada iyo dowladnimada.
Rooble oo wali aan si rasmi ah u shaacin musharaxnimadiisa ayaa inta badan la ogaaday inuu musharax yahay safarkiisii dalka Koofur-afrika markaasoo Dowladuna u diiday cusbooneysiinta pasporka diblomaasiga taasoo hadal heyn badan dhalisay iyo tuhunka xiriirka kaanbeyn ee ka dhaxeeya Rooble iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Koofur Afrika oo la rumeysan yahay inay wataan masuulkaani.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 10 people, lighting, dais and textMay be an image of 1 person, dais and newsroom
May be an image of 3 people and daisMay be an image of 5 peopleMay be an image of 5 people, dais and text
Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here