KENTUCKY (DAYNIILE.COM)-Roobab culus iyo daadad halis ah ayaa ku dhuftay Koonfur-bari ee Maraykanka taasoo keentay dhimashada dad badan.
Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duufaanada,daadadka iyo roobabka laga soo sheegayo Mareykanka.
Advertisement
Gobolka Kentucky oo ah halka ay dadkaani ku dhinteen Axadii ayaa waxaa ka mida dadka dhintay hooyo iyo ilmo 7 jir ah oo saarnaa baabuur ku dhex dhacay biyaha ka dhashay roobabka waaweyn ee da’ay .
Gov. Andy Beshear oo ka mida masuuliyiin ka hadashay dhacdadaani ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in tiradu ay korodho oo ay ka badan karto inta hada la shaaciyay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement