Waqooyiga Dalka Sudan waxaa laga soo sheegayaa roobab mahiigaan ah dhaliyay khasaare nafeed ,bur-bur hantiyeed iyo barakac intaba.

Sida warbaahinada dunidu faafiyeen ilaa 17 ruux ayaa ku geeriyooday roobabkasi , 170 kalana waa dhaawac,sidoo kalana waxaa ku burburey guryihii dadku daganaayeen.

Advertisement

Wararku waxay intaasi ku darayaan in korontadii ay go’aday, dadkii barakacayna ay hoy la’aan yihiin islamarkaana ay meel banaan isugu tageen xili ay u sii dheer tahay qabow iyo cabsi roobab kale.

Wararka ayaa tilmaamay ilaa 11-kun guri inay roobabku ku burbureen taasoo ay u sii dheertahay dadka saas u dhibaateysan ee Sudan dagaalada dalkaasi wali ka sii socoda ku dhawaad sanad iyo bar.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Heavy rains kill nine in war-torn Sudan

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here