HomeWarkiiReer Galbeedka oo Madaxweyne Xasan ku cadaadiyay inuu mideeyo siyaasada doorashooyinka iyo...

Reer Galbeedka oo Madaxweyne Xasan ku cadaadiyay inuu mideeyo siyaasada doorashooyinka iyo tan Alshabaab

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Qaar ka mida dalalka reer Galbeedka ugu tunka weyn sida Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa la sheegay inay Madaxweyne Xassan cadaadis ku saareen inuu wada hadal furo dhanka Mucaaradkiisa iyo waliba sidii uu u mideyn lahaa fikirka la dagaalanka Alshabaab.

Safiirada Ingiriiska iyo Mareykanka u fadhiya Somalia ayaa Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha shalay markuu Turkey ka soo laabtay markaasoo ay culeys ku saareen inuu xal u helo dhowr qodob sida inuu doorashada danbe u sameeyo hanaan wada ogol ay ku yihiin Dowlada iyo siyaasiyiimta mucaaradka ku ah.

Sidoo kale waxaa Madaxweynaha la hor dhigay inuu yimaado siyaasad uu ku mideysan karo dagaalka culus ee Alshabaab uu kula jiro madaama hada Dowlada kaliya  ay wado islamarkaana uu gaarsiyo siyaasiyiin mucaarada iyo Dowlada iyo Beesha Caalamkaba si guud lagu wajo si alshabaab looga adkado.

Safiirada ayaa sidoo kale soo jeediyay in si degdeg ah loo bilaabo wadahadal siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka ku ah ee xukun doonka ah iyo Maamulada  Puntland  iyo Jubaland oo ay soo hadal qaadeen.

Diblomaasiyiintaan Mareykanka iyo Ingririiska waxay Madaxweynaha uga digeen  in khilaafka oo sii xoogeystaa uu wburburin karo midnimada Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -