XIGASHO LAACIB.NET
Paul Merson, oo hore ugu ciyaari jiray Arsenal, ayaa uga digay kooxdiisii hore in aysan wali dhammaanin ciyaarta wareega siddeeda ee Champions League ee ay la leeyihiin Real Madrid.
Arsenal ayaa talaabo weyn hore u qaaday kadib markii ay 3-0 kaga adkaadeen Real Madrid kulan ka dhacay garoonkooda Emirates, habeenkii Talaadada.
Ciyaaryahanka xulka England, Declan Rice, ayaa labo gool ku dhaliyay laad xor ah, halka Mikel Merino uu dhaliyay goolka saddexaad, taasoo Gunners siisay fursad weyn kahor lugta labaad.
Inkastoo Arsenal ay haatan fursad heysato, Real Madrid waxaa lagu yaqaan inay mar walba la timaado mucjisooyin marka laga hadlayo tartanka Champions League.
Merson, oo hadal ka sheegay ciyaarta, ayaa yiri: “Si daacadnimo ah, dhammaan kulamadan wareega siddeeda ee Champions League waxaa ka muuqday goolal tayo sare leh iyo bandhigyo fiican.”
“Laakiin anigu ma rumaysni in ciyaarta Arsenal iyo Real Madrid ay dhamaatay. Tani waxay ka dhigaysaa kulan adag oo Gunners ay wajihi doonaan”
“Real Madrid afarta hore ee weerarkooda waxay noqon doonaan kuwo ka fiican lugta labaad, haddii ay gool hore helaan, cadaadis weyn ayaa iman doona.”
Merson ayaa sidoo kale magacaabay kooxda uu filayo inay gaarto finalka, isagoo sheegay in PSG ay u muuqato mid khatar ah.
“Aniga ahaan, PSG waxay u ciyaarayaan si kalsooni leh, waana kalsooni aan hore ugu arkin tartankaan.”
“Anigoo ixtiraam u haya Aston Villa, waxaan filayaa PSG inay u gudbi doonto finalka. Haddii ay Arsenal ama Real Madrid la kulmaan semi-finalka, wali waxaan rumeysnaan doonaa inay guuleysan karaan.”
Kahor kulanka Arsenal ay la ciyaari doonto Brentford horyaalka Premier League, Merson ayaa sheegay inuusan filaynin in tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, uu isticmaalo dhammaan ciyaartoydiisa ugu fiican.
“Sidaas darteed, waxaan filayaa inuu qaar ka mid ah ciyaartoydiisa nasin doono kulanka Brentford,” ayuu yiri Merson.