HomeCiyaarahaReal Madrid oo shaacisay cidda noqoneysa beddelka Vinicius Jr

Real Madrid oo shaacisay cidda noqoneysa beddelka Vinicius Jr

XIGASHO LAACIB.NET

Waxaa la soo warinayaa in Real Madrid ay qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, haddii Vinícius Júnior uu go’aansado inuu ka tago kooxda. Madaxweynaha kooxda, Florentino Pérez, ayaa diyaar u ah inuu dhaqaajiyo qodobka lagu burburin karo heshiiska Haaland, kaasoo ah €200 milyan sanadkan 2025, islamarkaana hoos ugu dhaco €175 milyan sanadka 2026.

Mustaqbalka Vinícius Júnior ee Real Madrid ayaa noqday mid mugdi ku jiro. Inkasta oo uu heshiis kula jiro kooxda ilaa 2027, haddana laacibka reer Brazil ayaa la sheegay inuu diiday dalab kordhin heshiis ah, iyadoo xiiso ay u muujinayaan kooxo ay ka mid yihiin Manchester United, Paris Saint-Germain, iyo kooxo ka tirsan horyaalka Sucuudiga.

Haaland, oo 24 jir ah, ayaa wax qabad layaab leh ka sameeyay Manchester City, isagoo dhaliyay 104 gool 112 kulan oo uu ciyaaray. Qandaraaskiisa wuxuu leeyahay qodob ogolaanaya inuu ku biiro kooxo aan ka tirsanayn Premier League, taasoo Real Madrid ka dhigeysa meel macquul ah oo uu tagi karo.

Haddii Vinícius uu ka tago kooxda, Real Madrid waxay si buuxda diiradda u saari doontaa inay keento Haaland si uu uga garab ciyaaro Kylian Mbappé, kaasoo la filayo inuu xagaagan yimaado Madrid.

Iyada oo suuqa kala iibsiga xagaagu soo dhow yahay, qorshayaasha Real Madrid waxay si weyn ugu xirnaan doonaan mustaqbalka Vinícius Júnior iyo Rodrygo. Haddii midkood tago, Haaland ayaa noqon doona bartilmaameedka koowaad.Real Madrid Oo Shaacisay Cidda Noqoneysa Beddelka Vinicius Jr

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -