XIGASHO: LAACIB.NET
Real Madrid ayaa laga yaabaa inay dib u hesho laba ka mid ah ciyaartoydeeda dhaawaca uga maqnaa kulanka lugta hore ee wareega siddeed dhammaadka Champions League oo ay la ciyaari doonto Arsenal.
Tababaraha Los Blancos, Carlo Ancelotti, ayaa xaqiijiyay inuu rajeynayo in Dani Ceballos iyo Ferland Mendy ay diyaar u noqon doonaan kulanka ka dhici doona garoonka Emirates.
“Waxaan ku dadaaleynaa inaan dib u helno Ferland Mendy iyo Dani Ceballos ka hor kulanka lugta hore ee Arsenal,” ayuu yiri Ancelotti. “Waxaan isku dayeynaa inaan labadoodaba soo celinno.”
Sidoo kale, Ancelotti wuxuu rajeynayaa in Kylian Mbappe, Antonio Rudiger, iyo Vinicius Jr. ay ka badbaadi doonaan ganaaxyo uga iman kara UEFA.
Ciyaartoydan ayaa lagu eedeeyay inay sameeyeen dhaqan aan habboonayn intii lagu jiray kulankii lugta labaad ee wareega 16-aad ee Champions League oo ay la ciyaareen Atletico Madrid bishan Maarso.
“Waxaan rumeysanahay in wax walba si sax ah u dhaceen, waxaana rajeyneynaa in UEFA ay go’aan gaarto, balse waxaan kalsooni ku qabnaa in wax walba si wanaagsan ku dhammaan doonaan,” ayuu raaciyay Ancelotti.
XIGASHPO LAACIB.NET