Raysal wasaaraha dalka Ingriiska Keir Starmer ayaa ka soo horjeestay qorshaha Trump ee ah in Falastiiniyiintu ay ka baxaan magaaladda Gaza.

Raysal wasaare Keir Starmer ayaa ka soo horjeestay qorshaha uu Trump ku doonnayo in gabi ahaanba Falastiiniyiintu ay ka baxaan magaaladda Gaza oo mid baaba’ah, ka dib duqaymihii ay ciidmadda Israa**liyiintu ka gaysteen magaalada. Waxa uu sheegay in reer Gaza ay u baahanyihiin in ay ku noqdaan guryahadda, ayna dhistaan si ay nabad iyo barwaaqo ugu noolaaddaan.

Advertisement

Hadalkan Raysal wasaaraha ayaa imanaya, ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, uu sheegay inuu doonayo in Maraykanku uu la wareego marinka Gaza ka dib marka Falastiiniyiinta laga saaro, loona raro dalalka deriska la ah ee Masar iyo Urdun. hadalkan ayuu Trump ku sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Trump iyo rayiisal wasaaraha Israa**l, Benjamin Netanyahu, basle Raysalwasaare Starmer ayaa ku gacansaydhay hadalka Trump.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here