Aqoon yahay Yaxye Sheekh Caamir ayaa ka hadlay war dhawaan ka soo baxay Wasiirka ka tirsan Xukuumada Somalia kaasoo soo hadal qaaday hab casri ah oo Dowladu u qaadi doontpo canshuurta iyadoo ay warkiisa ka muuqatay canshuru kordhin shacabka xagiisa ah.

Qoraalka Aqoonyahan Yaxye Caamir ayaa sidan u qornaa:-
Canshuur waa la kordhin karaa, haddii ay jirto Baahi ku kalifeeyso Dowladda, Shacabkuna ay dhaqaala ahaan awoodaan bixinteeda, ayna ogyihiin waxa loogu qabanayo in ay tahay wax dani ugu jirto.

Cashuuraha qaar waxaa laga qaadaa qeyb ka mid ah bulshada, waa marka loogu qabanayo dan iyaga u gaar ah oo kaligood ay ka faa’iidayaan.

Midna Dalka oo dhan ayaa laga qaadaa si loogu qabto Dan guud oo Dalka oo dhan saameynee, labadaba sharciga ayaa xadidayo culeeyskoodu inta uu la eg yahay iyo Bulshada Hodanka ah iyo kuwa liito sideey u kala saameeynee, haddii ay tahay mid waxa loogu qabto ay Sahacabka u badbaadinee Lacag kale oo Jeeboda ka bixi leheyd ama mid Jeebkooda sii gurinee.

Su’aasha maanta ayaa ah 5% lagu kordhiyay Cashuurta iyada oo Shacabku hore ula daalaadhacayeen Culeeys dhaqaale ma awoodaan? iyo Baahida Dowladu u qabto 5% koror ah maxeey ku qabnee? .

FG: Runtii, maanta kuma talagalin wareeysi, wariye ayaa dhowr jeer igu soo celceliyay wicitaan. waxaan ku lugeynayay Xaafadda Xamar jab jab, kadib markii Bajaajyadii ay Jaam wada galeen oo ay khasab noqotay in laga dago oo la iska lugeeyo, iyada oo Xabaddo tel tel ah ay ka dhacayeen Xabsiga dhexe.

Waxaa laga yaabaa in aadan Codka si fiican u maqal meelaha qaar Bacdamaa aan ku lugeeynayay waddo Ciriiri ah.

La wareeyste: Yahya Amir
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here