Raila Odinga - Wikipedia

UGUNJA (DAYNIILE.COM)-Mucaaradka weyn ee Dalka Kenya Raila Odinga ayaa si weyn uga hor-yimid oo qaadacay qorshe Maxkamada Sare ee Kenya ay ku taageertay madaxtooyada taasoo ah in ciidamada Milatariga la soo galiyo Nairobi Islamarkaana ay booliiska ka caawiyaan sidii loo hor istaagi lahaa banaan-baxayaasha.

Advertisement

Raila Odinga wuxuu xusay in shaqada milatariga ay tahay inay caddowga dibada ka difaacaan dalka balse aysan wax shaqo ah ku laheyn mudaaharaadyada gudaha dalka ka dhacaya.

“shaqada militariga waa inay qaranka ka difaacaan khatarta dibadda uga imaanaysa balse door kuma laha mudaaharaadyada maxalliga ah”ayuu yiri Raila Odinga

Hogaamiyaha Midowga Mucaaradka Raila Odonga wuxuu dhanka kale ugu baaqay shacabka inay sii wadaan dibad-baxyada islamarkaana sii dar dar geliyaan wax uu ku sheegay u is-taagidda xuquuqdooda dimuqraadiga ah.

Warka Raila Odinka ayaa yimid kadib markii dhawaan garsooraha maxkamadda sare Lawrence Mugambi uu ku taageeray Madaxda Dowlada Kenya inay howlgelin karaan ciidamada Milatariga  si ay u ilaaliyaan xarumaha Dowlada ee muhiimka ah madaama banaan baxyadii dhacay lagu boobay laguna gubay xarunta Baarlamaanka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here