=XIGASHO BBC SOMALI=
Raysal wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga, oo u sharraxnaa guddoonka Midawga Afrika, ayaa shalay looga guuleystay doorashadaas, iyadoo guddoomiye loo doortay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf.
Mar uu xalay warbaahinta la hadlayay kadib doorashada oo ka dhacday caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, ayuu Odinga guusha ugu hambalyeeyay Maxamuud.
“Waan aqbalayaa natiijada codka. Sidaa darteed, aniga qudheyda waan aqbalayaa guul-darrada”.
“Waxay yiraahdaan waa inaan xoojinnaa dimuqraadiyadda qaaradda Afrika waxaana doonayaa annaga inaan tan u adeegsanno tusaale wanaagsan,” ayuu yiri Raila.
“Marka intaa kadib, waxaan tartamihii ila tartamayay Maxamuud Cali Yuusuf u rajeynayaa guul”.
Raila ayaa u mahad-celiyay dhammaanba dadkii u codeeyay iyo kuwaan u codeynba, “sababtoo ah waxay adeegsadeen xuquuqdooda dimuqraadiyadeed,” ayuu yiri.
Raila Odinga ayaa intaa ku daray inuu u diyaarsanaa wax walba, haddii uu guuleysto iyo haddii kaleba, kahor doorashada.
“Waxba kama shalleynayo. Aad ayaan u faraxsanahay haddii aysan taas idinku filneyna, weli diyaar baan u ahay inaan u qabto adeeg walba oo ay qaaraddan u baahan tahay, miisaan walba ha lahaatee” ayuu intaa raaciyay.
Si taas la mid ah, Raila Odinga ayaa ka hadlay safarradiisii ololaha wuxuuna qirtay inuu aad ugu dhex safray Afrika.
“Waxaan ku tabarrucay musharraxnimadeyda, bilihii lasoo dhaafayna waxaan u safray dhowr meelood si aan ula kulmo hoggaamiyeyaashooda, aniga oo ka codsanaya inay ii codeeyaan. Maanta way is muujiyeen xaalkuna waa inaynaan guuleysan,” ayuu yiri.
Raila ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta sinnaanta Afrika.
“Aad ayaan u mahdinayaa howsha maanta. Mahad baan u hayaa dadka Afrika.”
Mar ay weriyeyaashu wax ka weydiiyeen tallaabada xigta ee uu qaadayo, Raila Odinga ayaa yiri “hadda dalka ayaan ku laaban doonaa, halkaas wax badan oo la qabto ayaa yaalla”.
Raila ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday caqabadda ay haatan wajaheyso qaaradda Afrika, taas oo ah dagaalka ka socda Congo.
“Arrinta DRC weli waa mid cakiran. Dhibaatada aan marqaatiga ka nahay waa mid aan la aqbali karin. Dad aan waxba galabsan ayaa la dilayaa, carruur, haween iyo wixii la mid ah. Waa inay joogsataa,” ayuu intaa raaciyay.
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa wareeggii toddobaad ee doorashada helay 33 cod, isagoo ahaa musharraxa keliya ee wareeggaas soo gaaray.
Raila ayaa wareeggii lixaad isaga haray doorashada, halka musharraxii ka socday dalka Madagascar ee Richard Randriamandrato uu isna goor horeba isaga baxay doorashada.
=XIGASHO BBC SOMALI=