Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta qaabbilay wafdi ka socda Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) oo ay hoggaaminayso Marina Walter oo ah Ku-Xigeenka Agaasin Goboleedka Dalalka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka iyo waftigaan ayaa ka wada hadlay horumarrada Soomaaliya ka sameysay sanadihii la soo dhaafay dhinacyada dawlad-dhiska, horumarinta arrimaha bulshada, soo kabashada dhaqaalaha, amniga, xasilinta degaannada la ga xoreeyey argaggixisada, iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
May be an image of 3 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here