Ra’isul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu saxeexayey heshiiska shirkaddaha loo qaatay dhismaha waddooyinka caasimadda Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda Danqaran ay ka go’antahay hirgalinta iyo dhismaha waddooyinka isku xira caasimadda, si kor loogu qaado nabadda iyo is-dhexgalka bulshada ku nool gobolka Benaadir.
Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ku amaanay Maamulka Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in Caasimadda Muqdisho ay la jaan qaado caasimaddaha dhigeeda ee horumaray.
—-Dhammaad—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
Advertisement
Advertisement