Muqdisho, Khamiis 28 Nofeembar, 2024: — Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu guddoonsiinayey 34 arday oo ka qalinjabiyay barnaamijka waxbarashada heerka labaad ee takhasuska isku-dhafka maareynta kheyraadka biyaha.
Mudane Cabdisalaam oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in barnaamijkan waxbarasho uu leeyahay ahmiyad gaar, iyadoo ay markii ugu horreysay iska kaashadeen Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu intaas ku daray inuu gacan ka geysanayo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha sare ee maareynta kheyraadka biyaha ee dalka.
Munaasabadda oo ay kasoo qaybgaleen wasiirro ka tirsan xukuumadda, diblomaasiyiin iyo masuuliyiin ka socotay hey’adaha caalamiga ayaa waxa lagu muujiyey guulaha laga gaaray barnaamijkan iyo sida uu uga qayb qaadanayo xoojinta awooda aqooneed ee Soomaaliya ee la xiriirta maareynta kheyraadka biyaha, taas oo muhiim u ah mustaqbalka waara ee dalka.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
Advertisement