Baqdaad, 5 Luulyo, 2024: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq.

Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho rasmi ah oo dhawr cisho ah ku joogi doona dalka Ciraaq ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkan Ciraaq Ra’iisul Wasaare, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah.

DHAMMAAD
May be an image of 2 people and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people, beard and suit
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here