Baqdaad, Luulyo 08, 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Ciraaq, Mudane Cabdi-Ladiif Jamaal Rashiid.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Baqdaad, ayaa gaarsiiyey Madaxweyne Ladiif dhambaal iyo farriin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh, isaga oo la wadaagay horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Ciraaq Mudane Cabdiladiif Rashiid oo soo dhaweeyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, laguna ballaarinayo iskaashiga dagaalka ka dhanka Argagixisada, Diblomaasiyadda iyo deeqaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed u aadaan Jaamacadaha Dalka Ciraaq.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, si loo adkeeyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka.
May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 13 people and the Oval OfficeMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, the Oval Office, dais and textMay be an image of 3 people, the Oval Office, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here