Muqdisho, 20 Luulyo, 2024: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka, ardeydii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee, Caalimkii weynaa Shiikh Cismaan Shiikh Cumar Shiikh Daauud (Cismaan Xiddig) oo ku geeriyooday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Shiikh Cismaan Xiddig inuu ahaa caalim wayn oo soo saaray mashaa’iikh badan oo dadka Soomaaliyeed wax taray, wakhtigiisana u huray sidii kor loogu qaadi lahaa barashada Diinteenna Suubban.

Mudane Xamsa ayaa Alle uga baryay Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyska, ardayda uu diinta bari jiray iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan naga wada siiyo.
May be an image of 1 person and textDHAMMAAD
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here