Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo Isniinta maanta ah ka furmay magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo ay gaareen qeybaha kala duwan ee Qurbajoogta Soomaaliyeed, shirka ayaa socon doona muddo labo cisho ah.
Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa halkaas ka jeedinaya khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ka hadlaysa horumarka dalka iyo midnimada Qurbajoogta Soomaaliyeed.

Shirweynahan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo kaashaneysa dowladda Qatar, waxaana xoogga lagu saari doonaa kaalinta muhiimka ah ee Qurbajoogta iyo jiheynta awoodooda, maadaama ay door muhiim ah ku leeyihiin horumarka dalka.
May be an image of 7 people, lighting, dais and textMay be an image of ‎5 people, newsroom, dais and ‎text that says '‎Ministry of Foreign Affairs and InternationalCooperation International Cooperation الخارجية الشؤون ل وزارة الدولي والتعاون Somali Diaspora Conference Harnessing power Somali Diasporaf fora for Better and Prosperous Somalia Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga الصوماليين المغتربين مؤتمر ازدهار في الصوماليين المغتربين قدرات تسخیر الصومال ونهضة Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed Jihaynta Awoodda Qurbajoogta Soomaaliyeed Loo Gaadho Soomaaliya Bilan Barwaaqo Ah 22- 24july 2024 Doha Qatar قطر الدوحة 2024 يوليو 22‎'‎‎May be an image of 7 people, lighting, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here