Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa lagu wadaa inuu soo bandhigo waxqabadka Xukuumadiisa mudadii labada sano ay jirtay.

Ra’iisulwasaaraha oo isku diyaarinaya soo bandhigista waxqabadka xukuumadiisa ayaa kormeeray bandhigga Wasaaradaha Xukuumadda Dan-Qaran ay ku muujinayaan guulaha iyo waxqabadka u hirgalay.

Advertisement

Wasiirka Aw-qaafta iyo arimaha diinta Abuu Mansuur oo ka hadlaayay waxqabadkiisa wasaaradiisa ayaa sheegay inuu xooga saaray labadaas sano  la dagaalanka fekerka Xagjirka iyo mideynta Culimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dalka Faarax C/qaadir oo ka hadlay waxqabadkiisa ayaa tusaale u soo qaatay dhowr kun macalimiin ay hore u shaqaaleysiiyeen hadana berri ay qaadayaan imtixaanka 3000 Macalimiin oo hor leh islamarkaana dhammaan gobollada Dalka uu ka bilaabanayo.

Wasiirka Beeraha oo isna ka hadlayay waxa uu caawa kaga qeybqaadanayo soo bandhiga waxqabadka wasaaradiisa ayaa xusay in Wasaradda Beeraha ay markasta dhiirigelineyso wax soo saarka dalka.

“waxaana bandhigaan uga qeyb qaadanaynaa wax soo saarka wadanka.”ayuu yiri Wasiirka Beeraha Maxamed Cabdi-Xayir Maareeye

Wasiirada inta badan waxa wareystay TV-ga qaranka ka hor bandhiga waxqabadka xukuumada oo caawa la filayo.

May be an image of 4 people and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 5 people, newsroom and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 8 people, dais, newsroom and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here