Ismaayo, Luulyo 30, 2024:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqday Ciidamada Qalabka Sida gaar ahaan guutada Birjeex ee ka tirsan ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo dhawaan jab xooggan gaarsiiyey maliishiyaadka Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyey sida nafhurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed ay argagixisada uga xoreynayaan dalka , ayaa ku dhawaaqay in dowladdu ay siinayso abaalmarin lacageed la guddoonsiinayo ciidamada Birjeex ee ku jabiyey Khawaarijta deegaannada Jubaland.
“Waad cibaadeysateen maxaa yeelay waxaad layseen kuwii uu suubanuhu na faray in la laayo oo la burburiyo, waxaad ka farxiseen muslimiinta, waxaad rubadda goyseen Khawaarijtii ay ummadda Soomaaliyeed necbaayeen. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in khawaarijta dalka laga xorreeyo oo la tirtiro, in badan oo kamid ah dalka waa laga xaaqay oo ay kamid tahay Buulo-Xaaji”.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay garab istaagga iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan ciidamada, dowladduna ay deegaannada la xorreeyey geyn doonto adeegyada asaasiga ahaa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duulaysa in gurmad iyo gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyo Khawaarijta, ayaa waxa ay hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA gaarsiisay raashin 900 oo qoys oo ku nool deegaanka Buullo-Xaaji, taas oo qayb ka ah qorshaha safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa kamid ah Wasiirro ka tirsan Xukuumadda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, Xildhibaanno, taliyeyaasha ciidanka X.D.S, Boliiska iyo haween matalayey ololaha Hooyo u hiili Qaranka oo gaarsiiyey ciidanka sahay dhan 5,340 oo isugu jira buskut, timir iyo kalluun.

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of 5 peopleMay be an image of 1 person and rhinocerosMay be an image of 7 people, rhinoceros and textMay be an image of 3 people, rhinoceros and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people and textMay be an image of 10 peopleMay be an image of 11 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 11 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 3 people, rhinoceros and treeMay be an image of 5 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 7 people and rhinocerosMay be an image of 11 peopleMay be an image of 11 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of one or more peopleNo photo description available.May be an image of 11 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 1 person and rhinocerosMay be an image of 7 people, rhinoceros and textMay be an image of 3 people, rhinoceros and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 4 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here