May be an image of 1 person, dais and text

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi-Barre ayaa si adag uga hadlay cadowga Soomaaliyeed ee sida xun Soomaalida wax ugu fasira si ay meesha uga baxdo midnimadooda ay ku difaacanayaan qaranimada iyo madax-banaanida Dalkooda.

Advertisement

Xamze Cabdi Barre ayaa meesha ka saaray warar la siyaasadeeyay oo lagu kala shaki geliyay dadka Soomaaliyeed taasoo ay ugu weyn tahay Dowlada Somalia ayaa ciida shisheeye u yeeratay kuwaasoo ka dhex dagaalami doona  gudaha Dalka Soomaali.

Ra’iisulwasaaraha ayaa meesha ka saaray gabi ahaanba wararka sheegaya in Dowlada Masar ay ciidamo u soo direyso Soomaalia si ay uga difaacdo Dowlada Itoobiya,Ra’iisulwasaaraha wuxuu muujiyay kalsnooida ay ciidamada Qaranka ku qabaan.

“ma jirto Dowlad ciidan keensaneysa Soomaaliya,ma jirto Dowlad na weydiisatay inay ciidamo keensaneyso sideedaba, laakiin xaq baan u leenahay ileen dal madax banaan baa nahay”ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha.

Xamze Cabdi Barre mar uu ka hadlaayay heshiiskii dhex-maray Masar iyo Somalia ayuu xusay ineysan taasi macnaceedu ahayn Dowlad kale lagu duulayo.

“hadaan dhahnay Dowlad Carbeed na caawiya waxaad nagu tari kartaan taasi macnaheedu maaha inaan dowlad kale ku duuleyno, macnaheedu maha inaan ciidamo ay leeyihiin intaan soo rarno aan keensaneyno Soomaaliya mana aysan na weydiisan,anaguna ma weydiisan”ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha.

“Siyaasiyiinta,dadka iyo odayaasha Soomaaliyeed haka xishoodaan inay isu jajawaabaan,haka xishoodaan in lagu ciyaaro mabaa’dii waaweyn iyo arimo khatar ah oo taagan,in wax aan macno lahayn dadka la dhex geliyo”ayuu mar kale yiri

wuxuu ku  baaqay in la joojiyo kala qeybinta Soomaalida iyo iska hor keenka,sidoo kale wuxuu ku baaqay in hal saf la galo loona midoobo difaaca qaranimada Soomaaliyeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here