Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaala iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah.

Advertisement

Dhankiisa, Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Bin Salem Al Nuaimi ayaa xusay inay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh, ee ay mar walba la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here