BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaaraha X Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre  ayaa xalay Baydhaba loogu sameeyay xaflad sagootin ah madaama uu maalmihii ugu dambeeyay howlo shaqo u joogay gaar ahaana xalinta mad-madow siyaasadeed oo soo kala dhexgalay Dowlada iyo Maamulka Koonfur-Galbeed.

Casho sharaf-ta iyo sagootin-ta waxaa soo qaban qaabiyay  Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) kaasoo Ra’iisulwasaaraha la wadaagay tabasho badan oo ay qabaan shacabka iyo maamulka Koonfur-galbeed.

Advertisement

Xafladii sagootinta wuxuu xalay Ra’iisulwasaaruhu ka sheegay in Dowladu diyaar u tahay inay ka qanciso maamulka K/galbeed dhamaan waxyaabaha ay tabanayaan isagoona ku amaanay dal iyo Dowlad jaceylka shacabka reer Bay iyo Bakool.

“Waan idiin nimid, waana dhageysanay dareenkiinna, waxaana u howlgalaynaa wixii tabasho ah ee idin kaga maqan dowladda sidii loo xallin lahaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay inay Dowladu qasab ku tahay ilaalinta midnimada dalkeena iyo dadkeena intaba.

“Dowladda Soomaaliya iyada ayaa masuul ka ah Amniga dalka, mana dhaceyso in ciidanka shisheeye haddii ay baxaan Khawaarij waxyeelo geysato, qorshahayaal ayaa nooga dagsan arrimahaas”.ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Xamse

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 9 people and suitMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, beard and suitMay be an image of 3 people, suit and weddingMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people, beard and daisMay be an image of 3 people

May be an image of 6 people and crowdMay be an image of 3 people and lightingMay be an image of 3 people and suitMay be an image of one or more people, lighting and crowd

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here