Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in jid dheer loo soo maray dib-u-casriyeynta iyo hayaanka horumarinta hannaanka maaliyadda dalka oo maanta 10-sano jirsaday.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay guulaha maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya, ayaa xusay in Soomaaliya ay maanta leedahay nidaam adag, casri ah oo lagu kalsoon yahay, kaas oo sababay in deyntii laga cafiyo dalka, isla markaana dalka u horseedaya in isbeddel dhaqaale iyo horumar oo dhab ah lagu sameeyo.

“Geeddi socodka hannaanka maaliyadda dalka, waxa uu kulmiyey dhammaan geeddigii loo soo marayey dhismaha hey’adaha dalka dib-u-dhiskooda, taas oo ina tusaysa in aan qaan-gaarnay oo deyntii nalaga cafiyey, xayiraaddii hubka nalaga qaaday, kuna biirnay suuqyadii gobolka, waxaan hoosta ka xarriiqayaa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan in howshan aysan bilaash ku imaan ee habeenno badan loo soo jeeday, si guushan loo xaqiijiyo”.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda Wasaaradda Maaliyadda iyo khubaradii ka soo shaqeeyey geeddi socodka la soo maray 10-kii sano ee la soo dhaafay (2013 – 2023), taas oo laf-dhabar u ahaa guulaha maaliyadeed ee la xaqiijiyey, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda si loo gaaro tallaabooyin kale oo wax ku ool ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa u jeediyey hey’adaha la shaqeeya dowladda in mashaariicda ay fulinayaan ay mariyaan nidaamka dowliga ah, maadaama uu hadda dalku leeyahay hannaan maaliyadeed oo lagu wada kalsoon yahay.
May be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 3 people, newsroom, dais and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 6 people, dais, newsroom and textMay be an image of 3 people, dais and text that says 'ফਕਕ FEDERAL REPUBLIC FEDERALREPUBLICOFSOMALIA OF OF SOMALIA SMNJURUMADOAFECEBALIA.COMALMA SAMHUJURUYADOAF FEDERAALKA OOMAALIVA WASAARADDA WASAARADDAMAALIYADDA MAALIYADD/ MINISTRY OF FINANCE @ AL R Launeh of the FINANCIAL GOVERNANCE REPOA йBe NDHIGA WARBIY MAALIYA MAAMULKA 23 VAP YAD (d d'May be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 peopleMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 9 people, newsroom, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 10 people and textMay be an image of 18 people and text that says 'FEDARAL FEDARALREPUBUICOFSO REPUBLIC SOMALIA AИOMMИЛARO3HHA WABAARADOAMAALIYADOA MNISTRY.OF WASAARADDA MAAL MAALIYADOA LAUNCH OF THE FINANCIAL GOVERNANCE REPORT Bandhiga Warbixinta Maamulka Maaliyadda 2013'
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here