May be an image of 4 people and dais

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre oo caawa ka hadlayay kulan uu ku soo bandhigayay waxqabadka xukuumadiisa ayuu ku soo hadal qaaday ciidamada badeli doona ATMIS iyo inay Itoobiya ka mid noqon doonto.

Advertisement

Ra’iisulwasaaraha ayaa shuruud ku xirey inay Itoobiya  ka mid noqon doonto ciidamada Somalia iman doona ATMIS kadid.

“Hadiisan Itoobiya ka laaban heshiiskii xadgudubga ahaa, ixtiraamina Madaxbannaanida Soomaaliya, ka mid ahaan doonto howlgalka ATMIS bedelaya.”ayuu yiri Xamze Cabdi Barre

Sidoo kale wuxuu ku soo hadal qaaday habka ay noqon doonto doorashada madaxweynaha marka uu dhamaado muda xileedka Dowlada hada jirta.

Ra’iisulwasaaraha wuxuu carabka ku adkeeyay inaan teendhada loo laaban doonin islamarkaana ay qaban doonaan doorasho shacabku codkooda dhiiban doonaan.

“Waxaan ku dadaalnay in aan lagu noqon doorashadii hore oo kale ee dalku khatarta ku galay, sanadkii u horreeyey ayaan billownay oo ku dhaqaaqnay hirgelinta doorasho ay dadweynuhu ku dooranayaan labada heer madaxda dowladda, Xukuumadduna waxa ay diyaarisay shuruucdii doorashooyinka, una gudbisay labada gole ee Baarlamaanka.” ayuu mar kale yiri Ra’iisulwasaaraha

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here