MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi-Barre ayaa maanta ka hadlay dhacdadii Khamiistii ka dhacday Degmada Ceel-baraf halkaasoo maleeshiyaad hubeysan ay ku laayeen ciidamoka tirsanaa Xooga Dalka Somalia.

Ra’iisulwasaaraha wuxuu ku tilmaamay maleeshiyaadkii ka danbeeyay dilkaasi kuwo arxan daran oo dad qalato ah islamarkaana bahalo  dad qalata ah.

Advertisement

“ayaan daro ka weyn ma jirto in wiil Soomaaliyeed oo dhalinyaro ah oo naftiisa kuu hurey oo adiga kuu dhaartay inuu ku difaacaayo,  ku aaminay inaad disho googoyso, fool-xumo ka xun oo soo martay ummaddaan ma jirto “ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha.

Falkaan oo dhaliyay hadal heyn badan ayuu Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ku amray laamaha amaanka inay soo qabtaan islamarkaana sharciga hor keeneen kuwii ka danbeeyay.

“waa fal aan hore uga dhicin dalka, Somali hore waa isku dili jirtay laakiin ilaa xadkaas inay gaarto maaheyn mid la ilaayay  ayuu mar kale yiri Ra’iisulwasaaraha

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here