MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi-Barre ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadlay ciidamada Maamulka Jubaland ee maalmihii ugu dambeeyay ka soo baxsanayay dhanka Axmed Madoobe islamarkaana ku soo biirayay Milateriga Dowlada Somalia.

Xamza oo si gaar ah uga hadlay kuwii ugu dambeeyay ee shalay u yimid ciidamada Dowlada ee ku sugan deegaanka Raas-kanbooni wuxuuna ku amaanay ugu horeyn sida ay u diideen in laga horgeeyo ciidamada Dowlada sida uu isagu sheegay.

Advertisement

“Waxaa bogaadinayaa Ciidamada Geesiyaasha ah ee Jubbaland oo gartay in aan laga horgeyn Walaalahooda Ciidanka xoogga dalka ee ay isku Cadowga yihiin”ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamza

Sidoo kale Xamza wuxuu ku eedeeyay madaxda Maamulka Jubaland inay hurinayaan dagaal dhexmara ciidamada Soomaalida dhexdooda isagoo ula jeeda kuwa faderaalka iyo maamulka Jubaland.

Ra’iisulwasaaraha wuxuu si gaar ah carabnka ugu adkeeyay in dowladdu ku abaal marin doonto ciidamada Jubaland ee diiday inay dagaal la galaan kuwa raas kan-booni ee dowlada Somalia.

Mar uu ka hadlaayay ujeedka ay ciidamada u geeyeen deegaanka Raas kan-booni ayuu Ra’iisulwasaaruhu sheegay inay tahay laba arin kuwaasoo kala ah in deegaankaasi aysan qabsan Alshabaab iyo in ciidamada Dowladu buuxiyaan meelaha ay Atmis ay baneyso.

” Maamulka Jubaland ayaa diiday dalab kaga yimid maamulka degmada Badhaadhe taasoo ahayd inay Raaskanbooni u soo diraan ciidan la wareega amniga halkaasi, kadibna Dowlada ayay la soo xiriireen sidaas daraadeed ayaana ciidamada ugu dirnay Raas-kanbooni”ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here